Haweenay Socdaal Lugta Ah Ku Soo Martay 141 Dal Oo Somaliland Soo Gaadhay.

Haweenaydani waxay Geeska Afrika uga warrantay waxay Somaliland ku aragtay

Hargeysa (GNN): – Miss Najmun Nahar oo dhalatay Dalka Bangladesh oo 141 dal safar lugta ah ku soo martay ayaa Toddobaadkan soo gaadhay Somaliland oo noqonaysa dalkii 142-aad ee soo marto.

Miss Najmun Nahar oo ujeeddada socdaalkeedu tahay dhiirigelinta Nabadda waxa ay socdaal dheer oo ay dalba dal uga gudbaysey ku maraysaa dunida, waxayna doonaysaa inay dhammaan Dalalka dunida socdaal ku marto.

Haweenaydan o shalay u warrantay Wargeyska Geeska Afrika waxay tidhi “Waxaan soo maray 141 Dal oo dunida ah, waxayna Somaliland noqonaysaa dalkii 142-aad ee soo gaadho, waxaanan ka soo galay Xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Jabuuti. Waxaan ku faraxsanahay sida ay Dadka reer Somaliland ii soo dhaweeyeen, waxaanan dunida u sheegi doonaa Nabadda taalla Somaliland iyo qiimaheeda, Cid kasta waxaanu u sheegi doonaa in la aqoonsado Somaliland..”

Miss Najmun Nahar waxay Geeska Afrika uga warrantay waxyaabo xiiso badan oo soo jiita inta ay safarkeeda ku guda jirtay, waxayna Somaliland uga soo gudbi doontaa dalalka kale ee bariga Afrika, iyadoo faafinaysa qiimaha Nabaddu leedahay.

Inta badan, dalalka ay Najmun Nahar marto waxay ku maamuusaan soo dhaweyn, iyagoo muujinaya inay ku faraxsan yihiin inay dalkoodu ka mid noqday Dalalka ay socdaalka dheer ku martay Haweenaydani.