Qiimahee Ayuu Yeelan Lahaa Hadii Uu Abwaan Hadraawi Bulsho Aan Soomaali Ahayn Ka Dhalan Lahaa?

Hargeisa(GNN):-Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa ka hadlay sida aanay bulshada somaliland iyo dawladuba u gudan abaalkii uu gashaday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ku xanuusanaya maagaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

xoghaye Khadar ayaa qoraal uu ku baaahiyey bartiisa Facebook waxa uu kaga hadlay heerarkii kala duwanaa ee uu Abwaan Hadraawi la soo maray halgankii uu bulshada u soo galay, waxaanu ku yidhi qoraalkiisa “Abwaan Hadraawi Allaah ha shaafiyo marka hore, kollayba wixii uu ina gashaday ummad ahaan gudi kari maynee Ilaahay miisaankiisa xasanaadka ha ugu biiriyo. Maskaxdiisa ayuu inta ugu badan inoo tuujiyay, duurka ayuu galay si aan innagu nolol fiican u helno, waxa uu diiday inuu waxeenna xaaraan ku cuno. Abwaan Hadraawi haddii uu ummad kale ka dhalan lahaa waxa uu noqon lahaa kuwa dhigaalkooda aqooneed boqolaal sanno la hadal hayo sida Adam Smith iyo ragga la midka ah.
Runtu waxa ay tahay in uu maanta inagu dhex dayacanyahay oo xukuumaddii daryeeli lahaydna la baafinayo, laakiin waxa aan hubaa in Ilaahay xagiisa wixii uu wanaag ina gashaday aan laga dayici doonin.”