“Farmaajo Waxa Uu Go’aansaday In Uu Keligiis Isku Caano Shubo Ama Dalka Geliyo Qalalaase” Xildhi. Mahad Salaad.

“ma sidaan ayay dan moodeen mise marka Farmaajo dalka iyo dadka dagaal geliyo”

Muqdisho (GNN) Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in farmaajo yaqiin saday in aanu marlabaad doorasho ku guulaysan Karin.

Xildhibaanka ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook, waxaanu qoraalka xildhibaanku udhignaa isagoo dhamaystiran sidan:-

Maanta ayay ku egtahay muddo xileedka Goleyaasha Barlamaanka. Duqa Farmaajo ahna 40 cisho ayaa ka hartay muddo xileedkiisa. Doorasho la isla ogolyahay iyo daruuftii lagu qaban lahaa ilaa hada midna nooma muuqato.

Farmaajo wuxuu yaqiinsaday doorasho xor iyo xalaal ah in uusan Madaxweyne mar labaad ku noqon karin. Sidaas daraadeed wuxuu go’aansaday in uu keligiis isku caano shubo ama dalka geliyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Lama yaabani Farmaajo oo waa nin garasho siyaasadeed ka arradan, guulwadeyaal sii luminayana ay hareerahiisa buuxaan. Laakiin waxan waydiin lahaa NACAMLEYAASHA HAWIYE EE HAREERIHIISA DHOOBAN, ma sidaan ayay dan moodeen mise marka Farmaajo dalka iyo dadka dagaal geliyo, diyaaradna ka raaco ayay rakaabka diyaaradiisa kamid noqon doonaan?!

Hon. Mahad Salad