Qoyska wiil da’yar oo madow ah oo ay booliska toogteen oo sheegay in lagu khiyaamay nidaamka cadaalada Mareykanka

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay inaysan wax dacwad ah ku soo oogi doonin askarta booliska ah ee toogtay Tamir Rice oo laba iyo toban jir ahaa isagoo xilligaasi ku ciyaaraya qori macmal ah, kuna sugnaa beer ku taal Cleveland, Ohio.

Dilka Tamir Rice wuxuu ka mid ahaa dilal isdaba joog ah oo dhacay sananadkii 2014-kii kuwaasi oo kiciyay mudaaharaadyo looga soo horjeeday cunsuriyadda booliska. Qareen u hadlay qoyska Rice ayaa sheegay in markale lagu khiyaamay nidaamka cadaalada.