Safarkii Dheeraa ee Aan Ku Wehelinayey Musharax C,rashiid Muxumed Ee aan Kusoo Marnay Deegaanada Woqooyiga Somaliland..W/Q:-Eng Habane.

Waa Qormadan Qalinka u Qaatey Engneer Habane oo Socdaalka Igu Wehelinaayo La Socod Wanaagsan .

Khamiis habeenimo jimce soo galaayo abaarro 7:30 fiidnimo ayaanu magaalada hargeysa uga baxney dhinaca waqooyi.
Marka magaalada hargeysa laga baxo dhulku wuu rooban yahay warbaahinta dawlada iyo kuwa madax-banaan ba waxaa ka baxaya dignin sheegeysa in xeebaha somaliland iyo puntland duufaan ka dhacayo markaa roobkani ma duufaanta hor dhaceediiba mise ilahay baa roob idiinka dhigey ayaan is waydiinayaa dadka gaadhiga ila saarin lama wadaagin.

Ujeedada safarku waa Wacyi galinta qaadashada kaadka codbixinta oo aanu ku mareyno dagmoyin iyo tuuloyin ka gobolada awdal iyo sallal.
Waxaa safarka Hogaaminaya Musharaxa Cabdirashiid Caateeye.

Waa safar habeenimo oo dhulkuna waa rooban yahay guuxa gaadhiga lama maqlayo oo waxaa noo baxaya heeso qaraami iyo ku danbe ba leh marka aanu mareyno tuullada Balliga Cas oo roobka xoogiigu ku da.ay ayaanu isla garaney in aanu taxadir iyo feejignaan sameyno oo meelaha biyuhu fadhiyaan iyo dhulka jilicdasan Iska eegno socodkayagiina sii wadano.

Goor danbe oo habeenkii ah ayaanu soo galney tuulada ilinta oo dhado badan hayso meel maqaaxiya ayaanu Shah waydiiney nasiib daro laba koob ayaanu ka helnay intii ayaanu wada cabney odayaal maqaaxida fadhiyey ayaan waydiiyey dhadadu xaga hore sidey ku tahay.
Waxay iigu jawaabeen dhadadu way badan tahay ee markaad gaadhaan dawga aad bay ugu badan tahay oo ma socon kartaane Iska jira.

Socodkayagii baanu sii wadaney kama sheekeyn karo dawgu siduu ahaa lakiin ilahay nabadqab ayuu nagu dhaafiyey waxaanu goor danbe gaadhney
1.tuullada ceel-la haley oo socodkayagu ah marti soor milgo iyo maamusleh baanu kala kulaney habeenka intii hadhsaneydna halkii la noogu talo galay baanu ahayn.

Subaxii markii aanu kacney waxaa noo yimid guddoomiyihi iyo odayaashi tuulada bariido iyo salaan ka dib waanu quraacaney meel fagaare ah ayaanu dadkii tuulada ceel la heley kala hadalney intaasi ka dib waxaanu galney fadhi gaara oo ay wada yeesheen odayaashi tuulada Ceel la heley iyo Musharax Caateeye wada kaasina wuxuu ku soo dhamaadey guul iyo is afgarasho isla galabnimadi waxaanu u baqoolney tuullada damasha waxaanu sii marney
2. tuullada Waayodina waxaanu la sii kulaney odayaashi tuulada iyagana waxanu kala caroowney guul iyo afgarasho.

Socodkayagii baanu sii wadaney goor cadeedu sii dhacayso ayaanu soo dul joogsaney dooxa Biji oo socda cabaar markaanu dul taagneyn ayaanu go.aansaney in aanu ka talawno maadaama oo anay biyuhu badneyn nabad ayaanu kaga baxney dooxii waxaanu gaadhney 3.tuuladii damasha fiican ayaa la noogu soo dhaweeyey habeenkiina waa la na marti soorey si gobonimo leh.
Barqadii waxaanu wakhti fiican oo la qaadaney dadweynaha dagan tuullada damasha si fiican ayaanu u wada sheekeysaney la Dibna waxaanu kala hadalney meel fagaaro ah oo ay iyaguna baahiyahooda kaga hadleen boqashada wacyigalinta tuullada damasha iyo waftigii uu hogaaminayey Musharax Abdirashiid Caateeye guul iyo go.aan la wada qaatey buu ku dhamaadey. Markaanu casuumadii qadada ahayd ee reer Damal shu noo sameeyey cuntey waxaanu hore usii wadaney socodkayagi waxaanu socodkaasi ku maray tuullooyinka kala ah. Ceel sheekh. Cabdi Geedi. Iyo Hadeyta dhamaantoodna waxay nagu soo dhaweeyeen sacab iyo caleemo qoyan mararka qaarkood waxaad moodeysey in la sii diyaariyey dadka na soo dhaweynaya lkn waxaan hubaa in dadku iskood u soo diyaariyeen soo dhaweynta Musharaxa Cabdirashiid Caateeye runti taasina waxay muujineysaa qiimaha iyo qadarinta ay u hayaan musharaxa iyo sidey ugu han wayn yihiin musharaxa.

Lasaco qaybta labaad………