Dacawguba Libaaxu Dabadisa Ka Ciyaa

Guusha geesigu way xasad badantahay waad arkaysan xaar-walwaalada media cayda iyo beenta gidaarada la taagan mar kasta o wax wadanka dani ugu jirtaa u soo korodho kuwaa waxanu leeyahay waxa idinka muuqata quus siyaasadeed kol haday sheekadini dhaafi weyday reer hebelba wax la siiyey iyo gobol hebelbaa wax loo badiyaa

“Gudhubaa-gadhaa afka wada guracan erayada gefka ah kuma-badiso garo”

Kursiga laguma gaadho been, xasad, munaafadqad, reer cay, qoys cay iyo catara-baqash ee waxa lagu gaadha, geesinimo, daacadnimo,codkarnimo,dulqaad, ku dhac iyo inaad tahay nin-celis rabi iyo ragba yaqaan sokeeye iyo shisheeye rag wax iskaga tiriyo on gardaro agtiisa xabag looga goosan karin adigana xidigaha cirka ka widh-widhaya ayaa kaaga dhaw kursiga ay meeshu kuu go’day intaad reer cay iyo gobol wax ku raadinayso.

Damiimow siyaasdu waa “interst” “ricaayatul umuuru mujtamac” xishood la’aanta iyo indho adayga umada lala hor imanaayo farmaaja jabouti ceelal biyood u saxeexay shacabka reer somaliland bay cay ku tahay in waxaa lala horyimaado anaguna hadaanu nahay shacabkii waxaanu ku nidhi (( waraabe u sheeg )) waxaana hubaal ah haday degaankaga tahay inaad hubka guran lahayd.

Jabouti waxay istustay inaan ictiraafka somaliland iyada dani ugu jirin sababo lawada ogsoonyahay hadii ta aynu ku kala aragti duwanahay aynu eegno inta kale ee danood ee aynu ka midaysanahay “Laba hablood o adhi jira o saaxiibna ah ayuu mid abheed dhintay habeenkii markii xoolihii fidaha la qalay ayaa qoyskoodi hilibkii wax looga geyn waayey iyado saaxiibadeed u cadhaysan maalinti markay adhigi wada raaceen ku tidhi anagaba mar-uunbu aabahay dhiman oonu fide qalan” siyaasigeenu intaa miyuu garan waayey si uu jabouti teeda u beeniyo muutiisa u hawlgalo caydu sheekhaw cilmiga siyaasada kuma jirto iyo horjooga makrafoonka badan si aan calooshada looga dhex kalumaysan.

◦ “Ragu waa wada rag marka reerka la joogo”
Gad-gadoonka waayuhu wuxuu keenaa muranka fulaha iyo geesiga, caalimka iyo jaahilka deeqsiga iyo bakhaylka iyo in kaloo badan inamada yar-yare xulbadii carruurnimo ka urayso ee media taagan waxan leeyahay wadanka waxa hogaanka u haya ragii iyagoo idinka da’yar naftooda u hurray intay u jeclayeena ku waayey halkaad adigu 100 doolar siisan- lahay burburinta wadanka iyo wax yeeladiisa una haysta inuu wadanka hebel leeyahay ama reer hebel Inamada Socod baradka siyaasada ku ah waxan leeyahay awrku markuu sagaal jir gaadho waxa la yidhaa mici-maraar loona jeedo wuxu qabto dib looguma yeedho. Ninku markuu 40 sano siyaasad ku jirana adigu u magac bixi Layliguba geediga horuu laban-ligdoodaye kol hadii hayaan loo lalabo leexay dabadeed

“Somalilaaneey laguuma baqo”

Ibrahim Adam Elmi Galaan (Qumaash)