Gabiley-Beel Shaacisay Musharaxa U Metelaya Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland.

Gabiley(GNN):-Madax-dhaqameedka, Cuqaasha, Waxgaradka iyo xubno oo kamid ah beesha reer xaad cali Yoonis Jibriil Oo Kamid ah beelaha dega gobolka gabiley ayaa  shir jaraa,id oo ay magaalada gabiley ku qabteen ku shaaciyay musharaxa ay usoo xuleen in uu ku matalo doorashada golaha wakiilada Somaliland.

 

ugu horay  waxaa madasha ka hadlay gudi hore loogu saaray kala saarista musharixiinta oo ka koobnay 15xubnoo ayaa  faah faahin ka bixiyay qaabka ay kula kala saareen musharixiinta damacu kaga jiray musharixiinta golaha wakiilada  iyo sida ay kusoo dooreen musharax eng cabdikariim maxamed muxumed oo isagu ah musharaxa beeshu shaacisay.

Sidoo kale waxaa goobtan ka hadlay qaarkamid ah musharixiintii la tanaasuliyay.

Dhanka kale madaxdhaqmeedka beesha ayaa sheegay in ay aqbaleen musharaxa ay gudida soo xushay.