Doonyo Kalluumaysi oo ku Degay Xeebaha Somaliland iyo Khasaaraha ka Dhashay.

Hargeisa(GNN):- Laba Doonyood oo kuwa Kalluumaysiga ah, ayaa ku degay meelo kala duwan oo Xeebaha Somaliland ah.

Sidaana waxa Warbaahinta u sheegay Kalluumaystada, kuwaasi oo tilmaamay inay muddo ku qaadatay inay Doonyahaasi degay ay soo samato-bixiyaan.

Maxamed Xuseen Maxamuud, kana mida dadka kalluumeysatada ayaa yidhi “Laashku waxaa uu nagaga dagay Lughaya, muddo hadda laga joogo 15 cisho, cid ku dhimatay iyo cid wax ku noqotay toona ma jiraan, dadkii saarnaana waa ay nabad qabaan, isaga uunba jajabay”