Xukuumadda Somaliland oo Go’aano ka soo saaraysa Booyada Biyaha keena Magaalooyinka Dalka.

Hargeysa (GNN):- Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, mudane Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in booyadaha biyaha dhaamiya ay caqabad ku yihiin wax-soo-saaka dalagyada dhinaca beeraha.

Wasiirku waxaa uu xusay in ay iska kaashanayaan sidii loo yareyn lahaa booyadaha biyaha ka soo dhaaminaya ceelasha loogu talo galay waraabka beeraha.

Sidoo kale waxaa uu xusay in qofkii beerta lahaa oo booyadiiba ku dhaamiyo lixdan kun oo shilinka Somaliland, ah islamarkaana ay meesha ka baxayaan ku dhawaad konton kun oo geed  oo uu tilmaamay in ay wax badan ka tari laheyd khudaarka dalka dibadiisa laga keenayo.

Wasiir Seed isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Waxaad arkaysa nin laba kun oo geed leh, hanta badanina ay ka soo gali laheyd magaaladana innagaga filaan lahaa, balse ninkii ceelka biyaha ah lahaa waxaa uu ka dhaaminayaa konton booyadood, waxaa aad arkeysa dhirtii oo qalashay, iyo booyadihii biyaha oo sidaas isu daba taagan oo laga soo dhaaminayo ceelashi biyaha ee loogu talo galay in beeraha lagu waraabiyo, taasina dhab ahaantii caqab ayay ku tahay dhankii wax-soo-saarka beeraha, wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland ayaanu isla kaashanaynaa oo waxaa aanu doonayna in dhawaan aanu go’aan ka gaadhno, si loo yareeyo isticmaalka booyadaha ka dhaan sanaya ceelasha waraabka u ah beeraha”

Halkan ka Daawo