Dowladda Victoria oo ogolaatay barnaamij Soomaalida caawin kara

Arday badan oo ay kuwa Soomaali ah ka mid yihiin ayaa waxaa sanadkii hore saameyn weyn waxbarashadooda ku yeeshay go’aankii dowladda ay ku goysay in casharada lagu qaatay guryaha, gaar ahaan gobolka Victoria.

Haddaba dowlada gobolkaasi ayaa hadda u ogolaatay jaaliyadaha ay Soomaalida ka mid yihiin iney qarashaad ku kabaan waxbarasho dheeri ah oo la siiyo ardayda maadaama sanadkan 2021 ardadu ay ku laaban doonaan iskuullada toddobaadka soo socda dabayaaqadiisa.