Madaxweynaha Ciraaq oo ansixiyay in xukun dil lagu fuliyo in ka badan 340 maxaabiis ah

Madaxweynaha Ciraaq , Barham Saalex ayaa ansixiyay in dil toogasho ah lagu fuliyo in ka badan 340 maxaabiis ah oo lagu helay dambi ah inay argagixiso ahaayeen iyo dambiyo kale.

Wax faahfaahin ah lagama bixin kiisaskan balse xabsiyada Ciraaq waxaa ku xiran dad badan oo looga shakiyay inay ka tirsanaayeen ururka la magac baxay dowladda islaamka.

Dadka ka faalooda arrimaha Ciraaq ayaa sheegayaa in arrintan shaaca laga qaaday ee ku saabsan xukunka dilka ah ay walaac ka muujin doonaan dadka u ololeeyo xuquuqul insaanka kuwaas oo si weyn u dhaleeceen jiray nidaamka caddaalladda ee dalkaas.

Waxay sheegayaan inay soo badatay in la jirddilo maxaabiista si ay u qiraan dambiyada lagu soo eedeeyay isla markaana maxkamadeyntooda lagu deg dego.