Qalab sheegaya marka aad faraxsan tahay ama aad murugeysan tahay

Waa qalab casri ah oo gacanta lagu xirto, waxaana la yiraahdaa Moodbeam, ma ahan qalab la soconaya xaaladda caafimaad balse waa mid la soconaya xaaladda shaqaalaha gaar ahaan dareenkooda marka ay shaqeynayaan.

Qalabkan oo lagu xiriiriyo teleefoonka ama Internetka ayaa wuxuu leeyahay labo meel oo laga riixo mid waa jaalle halka tan kalena ay tahay buluug.

Tusaale ahaan, haddii aad riixdo midda Jaallaha ah waxay ka dhigan tahay in aad faraxsan tahay halka tan buluugga ay ka dhigan tahay in aad murugeysan tahay.

Markii waxaa xogtaas helaya madaxda shaqaalaha oo la soconaya xaaladda uu ku sugan yahay qofka shaqaalaha isagoo ka eegaya Online-ka maadama xogta qalabkaas uu kala soconaya teleefoonka ama Internetka.

Sababta loo soo saaray qalabkan ayaa ah in shirkadaha ay la socdaan xaaladda shaqaalahooda ka shaqeynayo guryaha, waxaana shaqaalaha lagu boorinayaa inay xirtaan qalabkan si loola socda xaaladda ay ku sugan yihiin marka ay ku gudo jiraan shaqadooda.

“Shirkadaha waxay isku dayayaan in xiriir wanaagsan ay la yeeshaan shaqaalaha ka shaqeynayan guryaha” ayay tiri Christina Colmer McHugh oo kamid ah dadka soo saaray qalabkan.