WARARKA




Imaaraadka oo Somaliland Ka Hirgeliyey Xaruntii ugu Casrisaneyd ee Lagu Sifeeyo Kelyaha.

Hargeisa(GNN):-Wefti ka socda Hayโ€™adda Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ka furay xarun lagu sifeeyo kelyaha si ay uga faaโ€™iideystaan โ€‹โ€‹in ka badan 30 bukaan ah maalin kasta.

โ€œGoobtan oo ay hirgelisay Hayโ€™adda Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation โ€“ ayaa qayb ka ah dadaallada baniโ€™aadamnimo ee Imaaraadku ku taageerayo dadka walaalaha ah ee reer Somaliland, gaar ahaan marka la eego caqabadaha hortaagan waaxda caafimaadka ee Somaliland, iyada oo la tixgelinayo xaaladaha caafimaad ee ka sii daraya ee adduunku ee uu sababay CUDURKA faafa ee Covid-19 iyo in gaadho horumar guud oo dhinaca caafimaadka ahโ€ ayaa lagu yidhi Wargeyska gulfnews

 

Xaruntan oo ku taal magaalada Hargeysa ayaa waxa furay Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Madaxweyne-ku-xigeenka jamhuuriyadda ย Somaliland iyada oo uu goob-joog ka ahaa Abdullah Al Naqbi, oo ah Agaasimaha Xafiiska Ganacsiga ee Dawladda ee Hargeysa; Injineer Suldaan Xasan Al Khafili, oo ah madaxa wefdiga Hayโ€™adda Samafalka Baniโ€™aadamnimada ee Khalifa; Cumar Cali Cabdillaahi, Wasiirka Caafimaadka Somaliland, iyo masuuliyiin tiro badan.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay gargaarka baniโ€™aadamnimo iyo horumarineed ee Imaaraadku siiyo Somaliland taasi oo kor loogu qaadayo xaaladaha nololeed ee dadka reer Somaliland, gaar ahaan qaybta caafimaadka iyada oo la tixgelinayo duruufaha aan hore loo arag ee COVID-19.

 

Saylici ayaa uga mahadceliyey Hayโ€™adda Khalifa Foundation dadaallada samafal ee ay ka waddo dalka, isagoo xusay in โ€œdadaallada baniโ€™aadamnimo ee Imaaraadku ay muraayad ka yihiin cilaaqaadka kala dhexeeya labada Waddan.