Kenya Oo ka Hadashay Weerar Lagu Qaaday Bas kusii Jeeday Magaalada Nairobi.

Booliska dalka Kenya ayaa bilaabay baadi goobka lix ka tirsan dagaalyahanadda Al-Shabaab oo Arbacadii weerarray gaar Bas ah oo marayay aaga degmada Wajeer oo u dhaw xadka Soomaaliya.

Booliska ayaa sheegay in dagaalyahanadda oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47 ay joojiyeen Al Mukaram Bas oo ku sii jeeday Nairobi kana yimid magaalada Mandheera, iyaga oo ka qaatay kirishbooygii la socday Buska lacag ah 40,000 oo shilin oo u dhiganta (364 U.S. dollars).

“Waxaa ay ku rideen hal xabo waxaa ayna ku amreen dhamaan rakaabkii saarnaa in ay Baska ka degaan, waxaa ay kala sooceen Rag iyo Dumar iyagoo waydiinaya in ay Bas ka la socdaan dad aan deegaanka ahayn iyo waliba dad shaqaalaha dowladda ka tirsan, “ayay booliisku ku sheegeen warbixin ay soo saareen.

Sida laga soo xigtay Booliska kooxda weerarka ku qaaday Baska waxaa qaateen xoogaa cunno ah oo saarnaa waxaa ay uga diggeen waddaha gaariga in uu ku qaado dadka aan deegaanka ahayn.

Booliska ayaa sheegay in markii danbe sii daayeen Baska iyo dadkii saarnaa si ay safarkooda u sii wataan.

Dhowr jeer oo hor sidan oo kale waxaa ay Al-shabaab u weerareen gawaarida u kala goosha Nairobi iyo gobolka Waqooyi Bari Kenya oo ay ku dileen tiro dad ah iyaga oo dadka u kala saaraya muslim iyo Kirishtan.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in ay waddaan baaritaan la xiriira Lixda Ruux ee weerarkii ugu danbeeyay geystay.