Mareeyaha Dekkadaha Somaliland,Oo Golaha Wakiilada Somaliland ku Hambalyeeyay Xeerka Dekaddaha Dalka oo ay maanta Ansixiyeen

Berbera(GNN):-Mareeyaha Dekkada Somaliland, Saciid Xasan Cabdilaahi ayaa golaha wakiilada Somaliland ku hambalyeeyay xeerka dekaddaha Somaliland oo ay maanta ansixiyeen Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland.
Maareye Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa sheegay in xeerkan noqonaayo markuu si rasmi ah u dhaqan galo mid wax wayn ka tari doona hawlaha shaqo ee qaranka uga xilsaaran tahay hayadda dekaddaha Somaliland islamarkaana la dardar gelin doona shaqada dekkadaha Somaliland oo muddooyinkii ugu danbeeyey la dardar geliyay hawlahooda shaqo.
Hayadda dekkadaha Somaliland ayaa maamusha dekkadaha Dalka oo dhan iyadoo lagu wado balaadhin dekkada ugu wayn dalka ee Berbera sidoo kalena waca dhawaan la bilaabaya dhismaha dekkada kalluumeysiga ee maydh.
Dekeda Berbera oo la Saadalinayo Inay Noqoto Dekeda ugu Mashquulka Badan  Geeska Afrika iyo Xukuumada Somaliland oo la Timi Qorshayaal Lagu  Horumarinayo Dekedaha ku Teetsan Xeebaheeda. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.Xogreebnews.com - Warar Sugan
Maareeye Siciid Oo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u Magacaabay Maareeyaha Dekeddaha ee dalka ayaa door muuqda ka qaadaya sidii dalka somaliland uga horumarilahaa dhinaca dekeddaha dalka.
Waxaana inta la ogyahay mudadii uu xilka hayey uu waxqabad la taaban karo ka qabtay dekedda magaalada berbera, oo si xawliya ay wakhtigan shaqadeedu usocoto, isagoo sidoo kale door weyn ka ah dhimaha dekeda cusub ee shirkada DP world oo gacanta ku haysta Dekedu ay dhisayso.
Berbera Somaliland
Gabiley News Network.