Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Somaliland Oo Maanta Xilkii u Kala Wareejiyey Agaasimihii hore iyo Agaasimaha Cusub ee Dhawaan Loo Magacaabay.

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland mudane Dr Cabdi Wali Sheekh Suufi Jibriil, ayaa Maanta xilalkii u kala wareejiyey Agaasimihii hore wasaarada iyo Agaasimaha Cusub ee dhawaan Madaxweynaha qaranka jamhuuriyada somaliland muuse Biixi cabdi usoo magacaabay.

Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Isgaadhsiinta Aamina Xuseen Maxamuud, ayaa kamid ahayd Tirada masuuliyiin haween ah oo Madaxweynaha jsl u magacaaabay xilal kala duwan oo agaasimeyaal guud ah.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.