Marykanka Oo Duqeeyey Xuduuda Ay Wadagaan Labbada Gobol Baay Iyo Shabeelada Hoose

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa Arbacadii weerar dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaanka Buulo Falaay, oo ku yaala xuduudda Gobolada Shabellaha Hoose iyo Baay.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa war ay xalay soo saareen ku sheegay in duqaynta lagu ekeeyay xarun ay Shabaabku ku lahaayeen aagga Buulo Falaay.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in duqayntaasi lagu dilay mid ka mida maleeshiyada Al Shabaab, sidoo kalena lagu burburiyay dhismihii uu bartilmaameedku ahaa.

Mareykanka ayaa toddobaadyadii ugu dambeysay kordhiyay duqaymaha ay ka gaysanayaan Gobolada Koonfurta Somaliya, gaar ahaan deegaanada ay maamulaan Ururka Al Shabaab.

Duqayntan ugu dambeysay waxay ku soo aadaysaa, xilli Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji uu Talaadadii Saraakiisha Mareykanka ee dalka ku sugan ugu yeeray in la dardargeliyo hawlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.