Maxay ka dhigan tahay codeynta xil ka qaadista Trump?

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa shalay u codeeyey in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump, isaga oo noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykanka ee laba goor sidan lagu sameeyo.

Trump ayaa waxaa lagu eedeeyey “inuu kiciyey kacdoon rabshado wata oo ka dhan ah dowladda” taasi oo la xiriirta dhacdadii ay 6-dii bishan taageerayaashiisa ku galeen xarunta Senate-ka.

Trump ayaa hadda wajahaya maxkamadeynta Aqalka Senate-ka markaasi oo kaliya xilka laga xayuubin karo haddii xubnaha Senate-ka ay isku raacaan.

Haddaba, sidee ayey u dhacdey fadhigii Aqalka Wakiiladda Mareykanka shaley galinkii dambe? sideese ayey sameyn ugu yeelanaysa madaxweynaha wakhtigiisa maalmahan uu ka dhiman?