Doorashada Uganda 2021: Fanaanka la tartamaya mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu xukunka dheer Afrika

38 jir fanaan ah ayaa loolan adag ku haya mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu xukunka dher qaaradda Afrika, oo uu kula tartamaya xilka madaxtinnimada Uganda.

Robert Kyagulanyi, oo caan ku ah magaca Bobi Wine, ayaa sheegay inuu matalaya dhallinyarada dalka, halka Yoweri Museveni, oo 76 sano jir ah, uu ku ololeyanaya inuu dalka Uganda u horseeday xasillooni.

Ololaha doorashada waxaa hareeyay rabshado, iyadoo daraasiin dad ah ay ku dhinteen.

Horraantii isbucan waxaa la xannibay dhammaan baraha bulshada ka dib markii shirkadda Facebook ay xayiraad ku soo rogtay dhowr cinwaan oo xiriir la lahaa xisbiga talada haya.

Codbixinta

Goobaha codbixinta ayaa lagu waday inay furmaan 07:00 subaxnimo, balse dhowr goobood ayaa laga so wariyay inuu jiray dib u dhac. Natiijada ugu horreysa waxaa la filayaa inay soo baxda Sabtida.

Madaxweyne Museveni ayaa markii lixaad u tartamaya xilkan oo uu 35 sano hayay.

Ololaha ayaa laga mamnuucay caasimadda Kampala iyo degmooyin kale. Mucaaradka ayaa sheegay inay sababtu tahay maadama ay ku xooggan yihiin degmooyinkaasi. Balse dowladda ayaa sheegtay in tillaabadaasi looga gol leeyahay in laga hortaga faafitaanka Covid19.

Musharrixiinta mucaaradka oo uu ku jira Bobi Wine – iyo taageerayaashooda ayaa dhowr jeer la xiray.

50 qof ka badan ayaa la dilay bishii Nofeembar markii la xiray Bob Wine.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday Arbacadii inuu la baxaya saraakiisha korjoogteyn lahaa doorashada, ka dib markii oggolaanshihii ahaa inay doorashada dusha kala socdaan lagala noqday.

A woman in a mask in front of a mural

  • 17.4mDadka u diwaangalsan inay codeeyaan
  • 11Tirada musharraxiinta u tartamaysa xilka madaxtinnimada
  • 1ka mid musharrixiinta waa dumar
  • 5Xilli doorasho ayaa la soo dortay Yoweri Museveni
  • 50% iyo hal codayuu u baahan yahay musharrax si u wareega kobaad u guuleysto
  • 529xildhibaan ayaa sidoo kale la soo dooran doonaa

Source: Uganda electoral commission

1px transparent line

Isagoo ka jawaabaya edeyntaasi ayaa afhayenka Museveni Don Wanyama tweeted wuxuu bartiisa Twitterka ku so qoray inay jiraan goobjoogayaal ka socda Midowga Afrika iyo Bariga Africa.

“Ma xasuusta markii ugu dambeysay ee ay Uganda korjoogto doorasho u dirsatay Mareykanka,” ayuu ku daray.

Dowladda waxay horay u sheegtay inay hubin doonto inay doorashada noqon doonto mid xor ah.

Bobi Wine ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay Khamiistii inay taleefoonkooda ku duubaan marka la tirinaya laguna dhawaaqaya natiijooyinka degaannada si ay uga hortagaan in lagu shubto doorashada.