WARARKA




Maxay ka dhigan tahay codeynta xil ka qaadista Trump?

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa shalay u codeeyey in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump, isaga oo noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykanka ee laba goor sidan lagu sameeyo.

Trump ayaa waxaa lagu eedeeyey โ€œinuu kiciyey kacdoon rabshado wata oo ka dhan ah dowladdaโ€ taasi oo la xiriirta dhacdadii ay 6-dii bishan taageerayaashiisa ku galeen xarunta Senate-ka.

Trump ayaa hadda wajahaya maxkamadeynta Aqalka Senate-ka markaasi oo kaliya xilka laga xayuubin karo haddii xubnaha Senate-ka ay isku raacaan.

Haddaba, sidee ayey u dhacdey fadhigii Aqalka Wakiiladda Mareykanka shaley galinkii dambe? sideese ayey sameyn ugu yeelanaysa madaxweynaha wakhtigiisa maalmahan uu ka dhiman?