Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay Markab si sharci darro ah ku soo galay Xeebaha Somaliland.

Berbera(GNN):-Markabkan oo ahaa mid kalluumaysi, ayaa waxa lagu soo qabtay hawl gal ay Xeebta galbeed ka fuliyeen Ciidanka Saldhiga labaad ee Saylac, kuwaas oo imika gacanta ku haya Markabkan iyo Shaqaalihii saarnaa.

Markabkan, ayaa ciidanka Ilaalada Xeebuhu ka war heleen, markii uu ku soo xadgudbay Biyaha Somaliland, iyaga oo adeegsanaya Qalabka Raadalka oo inta badan Ciidanku kula socdo Maraakiibta iyo Doonyaha dalalka Shisheeye.

Ma jirto ilaa hadda faahfaahin rasmiya oo kasoo baxay markabkan iyo dalka laga leeyahay, balase waxaa la aaminsan yahay inuu kamid yahay maraakiibta wadamada shisheeye ee sida ba’an u xaalufiyey badweynta soomaaliyeed iyagoon habayaraatee wax ruqsad ama sharci ah u haysan.

 

La Soco Wixii Warar ah ee Kasoo Kordha Arrimhaasi.

Gabiley News News Network
Hargeisa Somaliland.