Heshiis laga gaaray arrimaha bani’aadannimo ee gobolka Tigray

Waxaa socda dadaallo loogu gurmanayo gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya kaddib markii dowladda federaalka iyo hayadda cunnada adduunka ee WFP ay heshiis ka gaadheen fulinta howlaha gargaarka.

Tallaabadan ayaa timid xilli ay isasoo tarayeen baaqyada caalamiga ah ee maamulka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed loogu jeedinayay in uusan xakameynin dhaqdhaqaaqyada gurmadka ah ee loo fidinayo dadka ku dhibaateysan halkaas.

Bishii November ayuu gobolkaas ka billowday dagaal u dhaxeeyay xoogagga xisbiga Tigray ee TPLF iyo ciidamada federaalka Itoobiya. Waxaa colaaddaas ay sababtay in malaayiin qof ay u baahdaan gargaar bani’aadannimo oo deg deg ah.

Warka cusub ee ku aaddan in si buuxda loo fasaxay gurmadka ayaa noqonaya mid ay aad ugu farxaan dadka xaaladdooda laga deyrinayo.

Agaasimaha hayadda WFP ayaa arrintan ku tilmaamay guul weyn oo soo hoyatay.

Waxaa la filayaa in shaqaalaha fulinaya gargaarka ay 20,000 oo tan oo gargaar raashin ah gaarsiiyaan 1.3 milyan oo ruux.

Hase yeeshee, dadka caawinaadda u baahan ayaa laga yaabaa in ay intaas ka badan yihiin oo ay gaadhayaan ilaa 3 milyan oo ruux, oo ay ku jiraan qaxootiga reer Eritrea eek u nool gobolka Tigray.