Cudur “aan la garaneynin” oo laga soo tabiyay Tanzania

Cudur aan wali la aqoonsanin ayaa laga soo tabiyay koonfurta-galbeed ee dalka Tanzania.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa shaacisay in dadka uu xanuunkan ku dhacay ay dhiig matagayaan.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee degmada Chunya ayaa laga soo xigtay in bukaannada qaarkood ay ku dhinteen saacado gudahood.

Wasaaradda Caafimaadka ee Tanzania ayaa sheegtay in ay koox khubaro ah u dirtay halkaas, si ay baadhitaan uga soo sameeyaan, laakiin waxay meesha ka saartay in uu dillaacay cudur.

Dorothy Gwajika, oo ah Wasiirka Caafimaadka ee dalkaas ayaa shaqada ka joojiyay guddoomiyihii degmada ee dhinaca caafimaadka, kaasoo warbaahinta ay soo xigteen isagoo xaqiijinaya cudurka, sida uu qoray wargeyska Citizen.

Wasaaradda ayaa sheegtay calaamadaha la sheegayo lasoo tabiyay xilli hore oo ahaa sanadkii 2018-kii.

Waxay dadweynaha ku boorrisay in ay isdajiyaan maadaama ay hadda baadhitaan wadaan, waxayna ballan qaadday in ay xog dheeraad ah shacabka usoo gudbin doonto.

Dadka reer Tanzania ayaa loogu baaqay in ay difaaca jirkooda ku xoojiyaan dawo dhaqameedyada xilli uu socdo cudurka safmarka ah ee corona.

Madaxweyne John Magufuli ayaa ku dhawaaqay in fayraska uu ka dhammaaday dalkaas, wasaaradda caafimaadkuna waxay sheegtay in aysan qorsheyneynin soo iibsashada tallaalka.