Ninkii Sobobta U Ahaa Joojintii Dagaalkii Qaboobaa Oo Geeryooday

Wuxuu Sabtidii ku dhintay gurigiisa oo ku yaal Stanford, California, sida uu sheegay Machadka Hoover.

Wuxuu xilal kala duwan ka qabtay xukuumadahii saddex Madaxweyne oo Jamhuuriya – Dwight Eisenhower, Richard Nixon iyo Ronald Reagan

1980-meeyadii Xilligii Mr Reagan, Mr Schultz wuxuu in badan isku dayay inuu hagaajiyo xiriirka dalkiisa la lahaa Midowgii Soofiyeet.
Xarunta daraasadka Hoover Institution, oo Mr Schultz uu si sharaf leh fikradihiisa ku soo bandhigi jiray ayaa sheegtay in ninkan dowliga ah uu kaalin weyn ka qaatay “bedelida jihada taariikhda isagoo adeegsaday diblomaasiyad si loo soo afjaro Dagaalkii Qaboobaa”.

Agaasimaha Mac’hadkaHoover Condoleezza Rice – oo iyadu ahayd xoghayihii hore ee arrimaha dibadda – waxay tiri: “Saaxiibkeen wuxuu ahaa nin weyn oo Mareykan ah oo waddani dhab ah marka dhinac walba laga eego.”

”Taariikhda ayaa lagu xasuusan doonaa inuu yahay nin adduunka ka dhigay meel wanaagsan” , ayay tirir Condeleeza Rice.
Wuxuu ku dhashay magaalada New York sanadkii 1920, Mr Shultz wuxuu bartay cilmiga dhaqaalaha ka hor inta uusan ka mid noqon ciidamada Marines-ka Mareykanka intii lagu guda iray Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Sannadihii 1950-meeyadii wuxuu qabtay jagooyin sare oo tacliimeed wuxuuna ka soo shaqeeyey maamulkii Eisenhower isagoo ahaa la taliye dhaqaale. Markii ay Jamhuurigu Aqalka Cad kula soo noqdeen Richard Nixon 1969, Mr Shultz waxaa loo magacaabay Wasaarada Shaqaalaha.

Markii dambena wuxuu noqday Wasiirka Maaliyadda Mr Nixon iyo ninka hoggaaminaya Golaha Siyaasadda Dhaqaalaha ee Maraykanka.

Sanadkii 1982, Ronald Reagan wuxuu Mr Shultz ka dhigay xoghayaha arrimaha dibadda. Aqalka Cad ee Reagan, waxaa uu waagaas caan ku ahaa is-qab-qabsiga, Mr Shultz wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu muranka yar, wuxuuna marwalba isku dayay in uu kobciyo xiriirka xulafada dalkiisa iyo kuwa cadawga ku ah Maraykanka.
Qeybtii labaad ee 1980-yadii, Mr Shultz wuxuu ka sahqeeyay sidii hoggaamiyihii-Soviet-ka ee xilligaas Mikhail Gorbachev isku dayo inuu dajiyo xiisadaha Dagaalkii Qaboobaa.

Markii la gaadhay 1987 Mr Reagan iyo Mr Gorbachev waxay kala saxeexdeen heshiis taariikhi ah oo lagu xakamaynayo hubka. Dhowr sano ka dib, Midowgii Soofiyeeti wuu burburay.

Xigasho BBC Somali