Kenya oo u dareereysa Afti Qaran

Golaha Wakiillada ee ismaamul goboleedka Garissa ayaa maanta cod dhammeystiran ku ansixiyay hindise sharciyeedka aftida qaran loogu raadinayo in isbaddal lagu sameeyo dastuurka Kenya.

Afhayeenka Golaha, Axmed Ibraahim Cabaas, ayaa ku dhawaaqay in dhammaan 50-ka xildhibaan ee baarlamaanka hoose ay u wada codeeyeen in la ansixiyo hindise sharciyeedka.

Madaxa maamul goboleedka Garissa, Cali Bunoow Qorane, ayaa goob joog ka ahaa kal fadhiga golaha wakiillada ee maanta.

Ololahan oo magaciisa loo soo gaabiyo BBI ayaa waxaa hoggaaminayay Senator-kii Garissa, Maxamed Yuusuf Xaaji, oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Go’aanka baarlamaanka hoose ee Garissa ayaa sii xoojiyay tirada goleyaasha 47-ka ismaamul ee Kenya oo intii loo baahnaa (24 ismaamul) ay u codeeyeen qaadista aftida.

Isla maanta oo Talaado ah waxaa ololahan kusoo biiray ismaamul goboleedyada kala ah Kakamega, Narok, Mombasa, Murang’a, Makueni, Kitui, Bungoma, Taita Taveta, Nyeri, Machakos, Tharaka Nithi iyo Lamu.

Ololaha isbaddalka Dastuurka Kenya waxaa u xusul duubaya Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga, oo ay isku fikir ka yihiin arrintan.

Mr Odinga ayaa maanta baraha bulshada ku muujiyay sida uu ula dhacsan yahay hindise sharciyeedka oo gaaray heer afti.

Waxaa xusid mudan in Garissa ay tahay ismaamulkii ugu horreeyay ee gobolka Soomaalida ee Waqooyi Bari. Waxay ansixinta hindise sharciyeedka uga hor mareen labada ismaamul ee kale ee Mandheera iyo Wajeer.