Sagaal isku qoys ah oo ku dhintay doon ku qallibantay Masar

Ugu yaraan sagaal ruux ayaa ku dhintay halka tiro kalena la la’yahay kaddib markii ay habeenimadii Talaadada soo galeysay doon ku qallibantay Haro u dhow magaalada Alexandria ee dalka Masar.

Doonta ayaa wadday ilaa 20 ruux, oo dhammaantood kasoo wada jeeda hal qoys, markii uu shilka ka dhacayay Harada lagu magacaabo Mariout.

Kooxaha gurmadka ayaa ilaa hadda helay toddobo qof oo nool, kuwaasoo shan ka mid ah ay dhaawacmeen.

Lama oga sababta ay doonta u qallibantay, madaxa maamulka gobolka Alexandria ayaa sheegay in doontaasi loo adeegsaday arrimo madadaalo ah iyadoo aan fasax loo heysanin.

Ilo wareedyo maxalli ah ayaa soo tabiyay in doonta ay aad u buux dhaaftay, cimilada deegaankaasna ay xumeyd xilligaas.

Harada uu shilkan ka dhacay ayaa ah goob caan ku ah dalxiiska loogu soo safro maraakiibta.