Madaxweynaha Qaranka oo ka Hadlay Geerida Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Madaxda Xisbiyada oo qaranka ka tacsiyeeyay Geerida Suldaanka

Hargeysa(GNN):- ALLE ha u naxariistee waxaa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday suldaankii guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo maalmihiiu dambeeyay Xannuunsanayay.

Geerida Suldaanka waxaaa ka hadlay madaxda qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo qaranka Somaliland ka tacsiyeeyay geerida Suldaanka.
Waxaanu Marxuuma ku sifeeyay suldaan naftiisa u huray dhismaha qaranka Somaliland iyo walaalaynta dadka reer Somaliland.

Warsaxaafadeed xakay ka soo baxay qasriga Madaxtooyada oo madaxweynuhu kaga hadlay geerida Marxuumka ayaa u dhignaa sidan.

“INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda dhaqanka, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaankii Guud ee Somaliland Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi oo ku geeriyooday makhribnimadii caawa oo ay taariikhdu tahay 12/02/2021 Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Suldaan Guud oo ka baxay shacbiga Somaliland iyo qarankaba, taariikh facweyna ku dhexlahaa bulshada ku hadasha afka Soomaaliga, kana soo shaqeeyey aas-aaskii dhidibada loogu taagay Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, iyo geedigii horumarka dalka oo uu ka mid ahaa waayeelkii iyo isimadii dedaalka dheer u galay dhismaha dalkeena.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Dhinaca kale guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi,ayaa isna dhankiisa ka tacsiyeeyya qaranka Somaliland ehelka iyo goysaskii uu ka baxay Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xisbiga WADDANI,ayaa lagu yidhi.

“Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, Qaraabada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka, Madax-dhaqameedka iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaankii Guud ee Beelaha Somaliland Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi oo caawa geeriyooday.

Guddoomiyuhu wuxuu marxuumka ku siifeeyay Tiir weyn oo ka baxay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu tilmaamay in uu ahaa shakhsi samatalis ah, nin nabadeed ah oo wax badan ka soo qabtay dib u dhiska dalka iyo nabadda Somaliland, door weyna ku lahaa geeddi socodka Somaliland ee wada jirka iyo xasilloonida guud.

Guddoomiyuhu wuxuu geerida marxuumka uga tacsiyaynaya dhammaan qoyskiisa wuxuuna Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su’aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.”

ALLE ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa muddo badan soo hayay xilka sandaladda waxaana loo caleemo saaray 75-kii,ALLE ha u naxariisto dhammaan shacbiga Somaliland na samir iyo iimaan ha ka siiyo.