Ugaaska Guud ee Beesha Ciise Oo Tacsi Tiiraanyo leh u Diray Umada Uu Ka Baxay Alle Haw Naxariistee Suldaan Maxamed C,qaadir.

Hargeisa(GNN):-Ugaaska Beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim oo Ku Sugan Magaalada Diridhaba

Ugaaska Beesha Ciise  isaga oo ku hadlaya magaciisa Magaca Beesha Ciise iyo ka bahda dhaqanka Soomaaliyeed waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, Qaraabada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka, Madax-dhaqameedka iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi oo Hargeisa ku  geeriyooday.

Ugaasku wuxuu marxuumka ku siifeeyay Tiir weyn oo ka baxay umadda Soomaaliyeed, waxaanu tilmaamay in uu ahaa shakhsi samatalis ah, suldaan nabadeed oo wax badan ka soo qabtay nabad galayada Somaliland iyo guud ahaanba Soomaaliya.

Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim waxa uu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su’aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed ee marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

Alle ayaan uga baryayna Jannooyinkiisa qaaliga ah in uu ku casuumo, Qabrigiisana u nuuro