Afar qof oo laascaanood ugu dhintay Xanuunka Covid-19 iyo Tiro badan oo laga Helay.

Sool(GNN):-Afar qof ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ugu geeriyooday Xanuunka Safrmarka ah ee Covid-19.

Isuduwaha wasaaradda horumarinta Caafimaadka ee gobolka Sool, Dr Maxamuud Xaaji Khaalif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xanuunka laga helay soddon iyo todoba qof bishii ugu danbaysay islamarkaana ay u geeriyoodeen afar ruux.

Xanuunka Dilaaga ah ee covid-19 ayaa dib ugusoo laba kacleeyey Jamhuuriyadda Somaliland xilli ay shacabku ka cago jiidayaan fariimaha caafimaad ee ay la wadaagayso wasaaradda horumarinta Caafimaadka.

Todobaadkii ugu danbeeyey ayaa qaar kamida gobolada somaliland ay soo kordhayeen tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka covid 19 oo dib ugu soo laba kacleeeyey guud ahaan caalamka.

 

Gabiley News Network

Sool Somaliland.