Ciidanka booliska oo Xidhay Maamulaha Dugsiga Sare ee Salaama.

Hargeisa(GNN):-Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Xabsiga u taxaabay maamulaha Dugsiga Wiilasha ee Salaama kaasi oo Saaka uu ka dhacay banaanbax kooban oo ay Sameeyeen ardayda dugsigaasi.

Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa sheegay in ay Baadhis ku samaynayaan sababta keentay in ardayda gadoodaan islamarkaana ay talaabo adag ka qaaday ciddi ay ku cadaato.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee ka dhacda Magaalada Hargeysa ee ay sameeyaan ardayda wax ka barta dugsiyada Nuuradiin iyo Salaama ee gaarka loo leeyahay.

Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare jsl ayaa Si kulul ugu hanjabtay Dugsiyada gaarka loo leeyhay ee dalka taas oo ay kamid yihiin Dugsiyadan rabshaduhu ka bilaabmeen.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network