Hal Ruux Oo Xalay Ku Dhintay Ceel-biyood Ku Yaalla Dhaamka Jig-jiga Yar Ee Magaalada Hargeysa.

Hargeisa(GNN):-Alle haw naxariistee waxaa habeenimadii xalay ceel biyood ku yaala xaafada Jigjiga Yar ee magaalada Hargeysa ku dhintay hal Nin, iyada oo maydkiisa ay soo saareen ciidamada dabdamisku markii ay saacadu ahayd 1:15 daqiiqo.

Ciidamada ayaa sheegay inay baadhayaan Sababta Ninkani ugu dhintay sidoo kale waxay bulshada Somaliland ugu baaqeen inay ka digtoonaadaan kana taxadaraan goobaha Godadka iyo ceelasha, keeni kara  halis Nafeed iyo mid hantiyeedba.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network.