Dhageysiga dacwadda badda Kenya iyo Soomaaliya oo lagu wado in maanta uu bilowdo

Waxaa maanta gelinka dambe lagu wadaa in maxkamadda caddaalada adduunka ay bilowdo dhageysiga dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Ilo wareedyo ka tirsan ayaa BBC u xaqiijiyay in Kenya ay si lama filaan ah ay isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Qareenada matalaya Soomaaliya ayaa maanta gudbin doono doodahooda ku aadan muranka badda.

Bishii hore ayay aheyd markii maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ay gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhiga dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.