Carruur laga afduubtay iskuul ku yaalla Nigeria

Koox hubeysan ayaa carruur iyo macalimiin ka afduubtay iskuul ku yaalla waqooy galbeed dalka Nigeria maalmo uun kadib markii tiro ardey ah oo wax ka dhiganeysay kuleej ku yaalla gobolka Kaduna.

Dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen iskuul ay dowladda maamusho oo ku yaalla tuulada Rema Isniintii xilli ardeyda ay fasalada galayeen.

Ma kala cadda tirada dadka la qafaashay balse mas’uuliyiinta waxay sheegeen inay daba socdaan sidii lagu xaqiijin lahaa tirada ardeyda iyo macalimiinta la afduubtay.

Tan iyo bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay in ka badan 700 ardey ah ayaa laga afduubtay guud ahaan Nigeria.