Saameynta ay yeelan karto lacagta la siinayo shacabka Mareykanka

Dadweyne badan oo Mareykan ah ayey durba gaartey kaalmada lacageed ee ay dowladu siineyso shacabka Mareykanka.

Lacagtan oo qofkiiba uu helayo 1,400 oo dollar ayaa looga gol leeyahay in lagu caawiyo shacabka Mareykanka ee dhaqaalahoodu heerka dhexe iyo hoose yahay.

Lacagtan ayaa sidoo kale gacan ka geysaneysa dhaqaaqa dhaqaalaha Mareykanka, oo la filayo inay sare u qaado.