Markab Sida Wiishashka Dejinta Iyo Rarista Koontiinarada Dekeda labaad ee Berbera oo Soo Gaadhay Berbera

Berbera(GNN):-Waxa dekadda magaalada Berbera ku soo xidhay Markab sida wiishashka dejinta iyo rarista koontiinarada dekadda labaad ee Berbera, Wiish weyn oo lagu magacaabo Shanghai 29.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Axmed Cabdilaahi iyo Maayirka degmada Berbera Cabdishkuur Maxamuud Xasan (Ciddin), Xoghayaha Degmadda Berbera iyo Fu’aad Aadan Cadde, ayaa sheegay wiishkaas oo gaadhay dekeddu uu noqon doono mid horumar ku soo kordhiya dekedda

Masuliyiinta wakiilka ka ah Markabka qalabkan siday iyo Kabtankii Markabkaasi dekedda Berbera ku soo xidhay oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in qalabkani kor u qaadayo hawlaha baaxadda leh ee rarista iyo dejinta agabka Dekeda cusub.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Markabkan qalabka cusub sida oo aad u weyni uu ku soo xidhay Dekeda Cusub ee Berbera taas wakhigan maraysa marxalad gebogebo ah, waxaanu intaas ku daray in Wiishashkani yahay mid casri ah oo marka la rakibo daabooli doona baahida Koontiinarada eek a soo degaaya dekeda Berbera iyo kuwa dhoofaaya, maareeye Siciid Cabdilaahi wuxuu u mahadceliyay cid kasta oo qayb ka ah horumarka Dekedaha Somaliland.