Shacabka Somaliland oo Soo Dhaweeyey Tallaabo Xukuumaddu Ku Dhiiratay.

Sool(GNN):-Qaar ka mida Sahacbweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo u waramaaya Warbaahinta ayaa soo dhaweeyay talaabo ay Xukuumaddu ardayda dugsiga hoose dhexe ku barayso xiftiga Quraanka Kariimka .

Dadweynaha la hadlay Dawan ayaa sheegay in ay tahay talaabo loo qaaday dhanka Wanaagsan oo boggaadin mudan, waxanay wasaaradda Waxbarashada ugu baaqeen in muhiimad gaar ah siiso barashada Diinta iyo Qawlka ALLE.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska , Axmed Maxamed Diiriye ayaa sheegay in dawladdu ay go’aamisay in xiftiga Quraanka lagu barto dugsiyada Somaliland oo la bilaabi doono sannadkan aynu ku jirno ee 2021-ka.

Dugsiyada Somaliland ayaan lagu baran jirin xiftiga Quraanka kariimka marka laga reebo Macadada iyo goobaha u gaarka ah barashada Diinta Islaamka.