Wasiirkii Arimaha Dibada Somaliland Oo Is-Casilay

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa maanta si rasmiya isaga casilay jagadaasi.

Faratoon, ayaa warqaddiisa iscasilaada u gudbiyay madaxweyne Biixi, oo isaguna ka aqbalay sida ay ii sheegeen illo-xogogaal ah.

Faratoon, oo u sharraxan golaha Wakiillada Somaliland ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu tago xarunta Kulmiye si uu u diiwaan geliyo Musharraxnimadiisa.