Afhayeenkii Madaxtooyada Somaliland Oo Is-Casilay

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud warsame jaamac ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu iska casilay xilkaasi waxaana uu sheegay inuu u tartamayo Xildhibaan golaha Wakiilada Somaliland Ah.

Maxamuud Warsame ayaa ugu baaqay bulshada Gobolka Sanaag gaara ahaana magaalada ceerigaabo inay codkooda ku taageeraan si uu baahiyaha jira wax uga qabto.

Ninkan dhallinyaradda ah ayaa muddo 6 sano ah kamid ahaa xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland xilal kala duwana ka soo qabtay.