Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Oo Dood Adag Ka Yeeshay Xeerka Shaqaalaha Dawlada.

Hargeisa(GNN):-Kalfadhigan maanta golaha wakiiladaa somaliland ayaa ahaa mid si adag loogaga dooday xeerka shaqaalaha dawlada, waxaana mudanayaasha golaha wakiilada somaliland soo jeediyeen in wax ka bedel lagu sameeyo islamarkaana, laga hoos saaro shaqaalaha dhawr xafiis oo kala ah, Shaqaalaha Xafiisyada Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland, Shaqaalaha Golaha Wakiilada iyo Guurtida, Shaqaalaha Baanka Somaliland, kuwaas oo la rabo in ay gaar uga madax banaanaadaan Xafiiska Hay’ada Shaqaalaha Dawlada guud ahaan, sida uu dhigayo Dastuurka jamhuuriyada Somaliland.