Xukuumada Somaliland Oo Amar Lagu Sargoynayo Qiimaha Laydhka Dul Dhigtay Shirkadaha Laydhka oo Cabashooyin Bulshadu ka Qabtay.

Hargeisa(GNN):-War ka soo baxay wasaaradda macdanta iyo tamarta soona gaadhay xafiiska warqabadka ee Shabakada Gabiley News ayaa lagu sheegay in laga bilaabo bishan 3aad in qiimuhu noqon doono sidan:-

Guryaha dadweynaha halkii yunit waxa hore looga qaadi jiray 0.80 dollar, qiimaha cusubina wuxuu noqon doonaa 0.5 doollar.

Ganacsiga yar yar hakii yunit waxa laga qaadi jiray 0.70 doollar, qiimaha cusubina wuxuu noqon doonaa 0.50 doollar.

Ganacsiyada waawayn halkii yunit waxa hore looga qaadi jiray 0.50 doollar, qiimaha cusubina wuxuu noqon doonaa 0.30 doollar.

Halka goobaha kale ka baxsan intaas qiimihii hore looga qaadi jiray uu ahaa 0.70 doollar, halka uu imika qiimaha cusubina noqon doono 0.50 doollar.

Ugu dambayn warsxaafadeedkaas ka soo baxay wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland waxa lagu sheegay in wasaaraddu sii wadi doonto dadaaladeeda ku aadan in muwaadiniinta Somaliland ay helaan adeeg laydh oo qiimihiisu jaban yahay.

No photo description available.

Shacabka Somaliland ayaa hore Cabashooyin qiimaha laydhka oo Qaali ahaa hore ugu gudbiyey Xukuumada iyo hay’adaha ku shaqada leh waxaana arrintani noqonaysa mid ka farxisa dadkii hore saluuga iyo dhibaatada uga qabay xadiga lacaga ah ee la jaaj gareeyo bishii laydhka ay isticmaalaan.