Aas Qaran Oo Galabta Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Marxuum Caaqil Maxamed Caaqil Ismaaciil Cismaan.

Hargeisa(GNN):-Alle Ha,Unaxariistee Waxaa galabta Aas qaran Loogu sameeyay Xabaalaha Malawle Ee Galbeedka Magaalada Hargaysa Marxuum Caaqil Maxamed Caaqil Ismaaciil Cismaan oo kamid ahaa Madaxdhaqameedka Somaliland gaar ahaan Deegaanada Gabiley, Wajaale Iyo deegaano katirsan Ismaamulka somalida Itoobiya Isagoo Marxuumku kasoo qayb qaatay dib udhiskii iyo nabadayntii jamhuuriyada somaliland.

 

Waxaana Aaska marxuum Caaqil maxamed ismaaciil kasoo qaybgalay madaxdhaqameed,masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada somaliland  kuwaasi oo marxuumka ku sifeeyay oday ka baxay bahda dhaqanka  somaliland.

Dhanka kale Wiil uu dhalay Marxuumka Geeriyooday ayaa lagu dul caleemo saaray xabaasha kaasi oo buuxin doona booskii uu ka geeridooday Aabihii

Caaqil Cusub Ee badali doona Aabihii laguna caleemo saaray goobta Aaska ayaa ah Caaqil Ibraahim Caaqil Maxamed Caaqil Cismaan iyadoo madaxdhaqamedkii goob jooga ka ahaa  Aaska iyo caleemo saarku ugu duceeyeen in ilaahay ku asturo xilkaa culus ee loo dhiibay samir iyo iimaana ka siiyo qoyska iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Caaqil Maxamed.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKA AASKA