DegDeg Midowga Afrika oo war ka soo saaray doorashada somamalia iyo iyo Farmaajo oo …..

Golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa kulan ay maanta ka yeesheen arrimaha soomaaliya waxaa ay ka soo saareen war-murtiyeed ay ku qeexayaan mowqifkooda doorashada Somlia.

War-murtiyeedka oo ka koobnaa 14 qodob ayaa waxay midowga Afrika cambaareeyeen go’aankii golaha shacabka ay muddada kordhinta ugu sameeyeen madaxwayne Farmaajo.

“Waxaan walaac qoto dheer ka qabnaa tallaabadii halka dhinac ahayd ee Golaha Shacabka Soomaaliya uu ku dhaqaaqay 12kii Abriil 2021, taasi oo ku saabsanaa meel marinta qaraar uu saxiixay Madaxweynaha 13kii Abriil 2021, kaasoo meesha ka saaraya heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 ee qaababka loo marayo qabashada doorashooyinka Soomaaliya”ayaa lagu yiri bayaanka.

Golaha nabadda iyo ammaanka midowga Afrika ayaa waxay sidoo kale ku baaqeen in la magacaabo ergay gaar ah oo ka socda midowga Afrika islamarkana dhinacyada Soomaalida ka caawiya sidii heshiis looga gaari lahaa ismari-waaga ka taagan doorashooyiinka.

BBCSomali