Somaliland Iyo Taiwan oo ka Wada-hadlay Ka midho-dhalinta Cilaaqaadkooda.

Hargeisa(GNN):-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay inuu dawladda Taiwan kala hadlay sidii looga sii wada faa’iidaysan lahaa iskaashiga saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo lagu daabacay barta wasaaradda arrimaha dibaddu ku leedahay Twitterka, waxaana lagu sheegay in wasiir Liibaan Yuusuf Cismaan uu wasiirka arrimaha Dibadda Taiwan Dr. Joseph Wu, uu kula hadlay kor u sii qaadista iyo ka midho dhalinta cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dawladood, mar uu shalay kulan muuqaal arag ah ay yeesheen.