Guddida hirgelinta Wadada Berbera Coridoor oo Calaamadiyey qorshaha Sayladda Wajaale ee Dekeddu waraabinayso.

Wajaale(GNN):-Guddida Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda u qaabilsan kormeerka iyo la-socodka hirgelinta Mashruuca waddo-ganacsiyeedka Wajaale illaa Berbera (Berbera Coridoor), ayaa maanta booqasho howleed ku tegay Magaalada Wajaale oo xudun u ah Ganacsiga iyo suuq-geynta Baddeecadaha ka soo dega Dekedda Berbera oo wajigii koowaad ee balaadhinteedu dhamaystir ku dhow yahay.

Wasiirrada Wasaaraddaha Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska iyo Horumarinta Maaliyadda oo Guddidaasi xubno ka ah, ayaa kulamo kula yeeshay Magaalada Wajaale, Maamulka Gobolka Gabiley, ka Degmada Tog-wajaale iyo guddiyada horumarinta ee Magaalada, kuwaasoo ay ka wada hadleen sidii loo qorsheyn lahaa waxyaabaha Mashruuca Coridoor-ka kaga aaddan Degmada Wajaale.

Kulankaasi ayaa waxa lagu gaadhay isfaham qodobaysan oo lagu dejinayo jaranjarada lagu unkayo hirgelinta Qorshaha Magaaladaasi ku leedahay Silsilad-ganacsiyeedka ka soo bilaabmaya Dekedda Berbera.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo ka hadlay shir-jaraa’id oo kulanka kaddib ay qabteen Masuuliyiintu, ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo wajigii koowaad ee Mashruuca Berbera Coridoor iyo nuxurka kormeerkooda Wajaale.

“ujeeddada aanu u nimi waxa weeye in aanu isla meel dhigno arrimaha muhiimka ah ee ku xidhan Magaalada Wajaale, maadaama Mashruuc wajigiisii koowaad oo Dekedda ah uu dhamaad ku dhow yahay Wadadiina si fiican inoogu socoto”

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo isaguna halkaasi ka hadlay si’ qoto dheer uga waramay ahmiyadda Magaalada Wajaale u leedahay Qaranka, doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayso jidka rejjada Ganacsiga Somaliland iyo Itoobiya iyo waajibaadka laga doonayo Bulshada Deegaankaasi ku dhaqan.

Wasiir Sacad waxa uu sheegay inay maamulka Degmada, Gobolka iyo guddiyada bulshada is-afgarad ka gaadheen qodobada ay ka wada hadleen, isagoo sidoo kale tilmaamay in ujeedada socdaalkoodu ahaa;
“Ujeedada aanu u soconaa waxa weeye in aan Maamulka Gobolka iyo Degmada xog isweydaarsano ku saabsan waxyaabaha looga baahan yahay in la qabyo-tiro ee ku xidhan gobolka iyo Degmada”
Dr. Sacad Cali Shire, isagoo hadalka sii wata waxa uu faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ka soo baxay kulanka ay la yeesheen dhinacyada ka socday Maamulka Degmada iyo gobolka, isagoo ku soo koobay afar qodob.

Waxaanu yidhi “Waxaynu baahanahay inaynu helno halkii wershadaha laga samayn lahaa, waxaynu u baahanahay inaynu helno goobtii Baabuurta Xamuulka ee labada dhinacba loogu shaqayn lahaa, waxaynu u baahanahay wadadii Magaalada dhexdeeda ka leexanaysay si aanay baabuurta faraha badan saxmad ugu keenin Magaalada, waxaynu u baahanahay in la sameeyo Suuq yare Ganacsiga yar yar ku shaqeeyo, afartaas qodob ayaa kaga aaddan wajaale in Cordoor-ka laga sameeyo”ayuu yidhi Wasiir Sacad oo sidoo kale xusay in loo baahan yahay sidii Magaaladaasi u noqon lahayd Deked Qalalan oo lagu soo hirto.

Wasiirku isagoo hadalka sii wada waxa uu sheegay “Waxaanu isla garanay in todobaadka soo socda la magacaabo guddi laba geesood ah oo ka kooban Degmada iyo Gobolka iyo dhinac Guddida Berbera Cooridor ah,todobaadka xigana guddidaasi fadhiisato oo ay sameeyaan qorshe howleed ku soo celiyaan guddida.
Waxaynu doonaynaa Wajaale inay noqoto magaalo Ganacsi, himilada aynu leenahayna waxay suurtogelaysaa marka aynu dhamaystirno waxyaabaha kaga aaddan reer Wajaale”.

Masuuliyiinta heer Degmo iyo heer Gobol, ayaa iyaguna soo dhaweeyey qorshaha Guddida Xukuumaddu u bandhigeen, waxaanay balanqaadeen inay fulin doonaan wixii masuuliyadda ee ay ku leeyihiin hirgelinta Mashruuca Isku-xidhka Ganacsi ee Wajaale iyo Berbera, kaasoo sahlaya in magaaladaasi laga hir-geliyo Saylad weyn oo ay waraabiso Dekedda Caalamiga ah ee Berbera.