Madax-dhaqameed Iyo Xildhibaano Shacabka Reer Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Marxuum Suldaan Ibraahim Jaamac Samater Oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga.

INAA LILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN

HARGAYSA(GNN):-Alle ha,unaxariistee waxaa caawa dalka turkiga ku geeriyooday marxuum suldaan ibraahim jaamac samater oo kamid ahaa madaxdhaqameedka somaliland gaar ahaan gobolada gabiley iyo boorama.

Hadaba waxaa shacabka iyo qoyskii uu ka baxay marxuum suldaan ibbraahim tacsi tiiraanyo leh udiray  qaarkamid ah madaxdhaqameedka somaliland iyo xildhibaano katirsan golaha wakiilada somaliland

Dhamaan Salaadiinta iyo xildhibaan halkan Hoose Ku qoran ayaa tacsi uidray qoyska iyo shacabka reer Somaliland ee uu kabaxay suldaan Ibraahim Jaamac Samater;

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed.

Ugaas Cabdiraxmaan X. Daahir

Suldaan Abdirahman Cawaale

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

“Waxaanu halkan Tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa shacabka Reer Somaliland,Bahda Dhaqanka iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Suldaan Ibraahim Jaamac Samter Oo caawa ku geeriyooday dalka Turkiga waxaan leenahay ilaahay Uga Baryaynaa  Marxuumka In uu Qabriga Ha,unuuro, fijanatul fardowsa ,qoyskii iyo qaraabadiina Ilaahay samir Iyo Iimaan Saadiqa haka siiyo Nafwalba way dhadhaminaysaa Geerida.

Aami Aamin Yaa Allah.