Maxaa Ka Jira Qorshaha Madaxweyne Farmaajo iyo Shirgudoonka Golaha Shacabku Waddaan ee Xilka Looga Qaadayo Raysal Wasaaraha Somalia.

Muqdisho(GNN):-Kulanka deg-deg ah ee xildhibaanada golaha shacabka loo balamiyey maalinta Sabtida ayaa waxaa la qorsheynayaa in la geeyo mooshin xilka looga tuurayo ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegen Warbaahinta.

Sida ay Shabakada Hadhwadaagnews u xaqiijiyeen ilo ku dhow guddoonka baarlamaanka, kulankaas oo uu dalbaday madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, ayaa waxaa loo qorsheynayaa in xilka looga qaado Ra’iisal wasaare Rooble, ayada oo loo cuskanayo eedeyn la xiriirta “inuu ku fashilmay qabashada doorashadii uu meel-mariyey baarlamaanka”.

Kulanka Golaha Shacabka oo furmay iyo Farmaajo oo Khudbad jeedinaya – Radio  Dalsan FM 91.5 MHz | Warar Sugan | Somalia News

Xogtan ayaa sidoo kale waxaa laga soo xiganaya qaar kamid ah xildhibaanada oo ayagu isla wadaagaya qorshaha uu guddoonka horkeeni doono xildhibaanada, si mowjad cusub uu dalka u galo.

Halkan Kasii Akhriso Xogtan Warkan Oo Faahfaahsan. Halkan Guji.