Qaadashada kaadhka codbixinta oo ka Socota Maroodi-jeex, Togdheer iyo Awdal.

Hargeisa(GNN):-Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland,  ayaa maanta  si rasmi ah uga bilaabay gobollada Maroodi-jeex, Awdal iyo Togdheer, hawsha qaybinta Kaadhka diwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashada, taas oo wajigeeda koowaad uu socon doono muddo saddex maalmood ah.

Guddoomiye ku xigeenka komishanka doorashooyinka qaranka Mustafe Daahir Dhawal ayaa hawsha qaybinta kaadhka codbixinta ka daah-furay magaalada Boorame ee gobolka Awdal, waxaanu guud ahaan bulshada ku nool gobolka Awdal u soo jeediyay inay ka faa’iidaystaan fursadaas qaadashada kaadhadhka codbixinta.

Mustafe waxaa uu xusay marka ay dhammaadaan maalmaha loo cayimay qaybinta iyo bixinta kaadhadhkaasi ay goobo gaar ah oo lagu soo reebi doono kooxo kooxo ka sii shaqayn doona bixinta kaadhadhkaas, taas oo muddo kooban sii socon doonta.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADANI oo goobtaas ka hadlay ayaa dadwaynaha u soo jeediyay inay qaataan kaadhadhkooda cod bixinta.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dal-xiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed ayaa guud ahaan dadweynaha ku nool gobolkaas u soo jeediyay in ay qaatan kaadhadhka, si ay u soo doortaan xildhibaanada goleyaasha wakiillada iyo degaanka, ee ku haboon inay ka shaqeeyaan horumarinta iyo danaha guud. ee gobolka Awdal iyo degmada Boorama.