Warsaxafadeed Ay soo Saartay Shirkada Alia Seafood Company Ay Kagaga Jawaabtay Eedayntii Wasiirka Xanaanada Xoolaha & Kalluumaysiga Jsl Loo Jeediyey.

Berbera(GNN):-Shirkada Alia Seafood Company Waa Shirkadii Ugu Horeysay Ee Muwaadiniin Somalilander Ai Leeyihiin ,Mulkigeeda Maalgashigeeda Iyo Maamulka Iyo Shaqaalaheedaba.

Waxaa Ka Hawlgala Gaadiid Muwaadiniin Oo Kala Duwan Iyo Shaqaale Ka Kooban Lixda Gobol Ee Dalka.

Waxaanu War Saxaafadeedkayagan Aanu Saxaafada Usoo Gudbinayno Kusoo Gudbinaynaa In Eedaynta Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyi Kaluumaysiga Somaliland Mudane Siciid Sulub Maxamed ay U Jeediyeen Qaar Ka Mid Ah Kaluumaystada Berbera Waa Waxba Kama Jiraan.

Shirkadaha Dalku Waa U Mubaax Shaqada Iyo Wax Soo Saarka Sidoo kalena Gaadiidka Waa U Mubaax Shaqada Balse waxaa Lagu Kala Tagayaa Nidaamka Iyo Maamulka Maaraynta Iyo Horumarka dalka sida Loo Waajahayo.

Waxaanu war saxaafadeed kayagan Ku sheegaynaa in Wasaarada Iyo Wasiiradu Wasiir Sulub & Yurub Abiib Abdi Ay Ka Ogaal Iyo Aqoonba Durugsan yihiin Dadka Qaylinaya.

Shirkada Alia Seafood Company Iyo Saliideeda Somaliland Fish Oil Iyada Oo Gacan maalgalineed Oo Ku kacday Dhaqaale Badan Lagu Maalgaliyay Waxay U Tafa Xayteen Sidii Saliida Kaluunka Somaliland Ee aan soo saarna U Samayn Lahayd Shaqo Abuur Iyo Suuqyo Caalami ah Oo Dakhli Inaga soo Galo Sida Iswaydaarsiga Badeecadaha Ee Dalka Taiwan ,Ethopia , Kenya , Yurub Asia & America .

Waxaa shirkada Alia Seafood Company Markii Ugu Horeysay Ay Bilaabaysaa In Dhamaan Gobolada Dalka ay Gaadhsiiso wax soo saarkeeda saliida Kaluunka.

Waxaana Shaqaale Looga Diiwangaliyay Dalka Ku Dhawaad 300 Oo Qof ,Waxaa lagu jiraa Xila adag Oo Kusoo Beegmaya Xaalada #Covid19 Abaaro iyo Xaalado kale Oo Dadka Iyo Dalku u Baahan yihiin Shaqo Abuur Iyo Kobac dhaqaale.

Walow aan Dadka Mudaharaadayay Bartilmaamedsanin Shirkada ALIA SEAFOOD COMPANY Hadana Waxaanu Diidnay Eeda loosoo jeediyay Wasiirka iyo wasaarada Ugu Fadalada Cad Maanta Dalka .

Yaynaan Xaajo Walba Masayrkeena Shiqsiga Ah ku Hagardaamaynine Ninkii shaqaysaynoow kaalay Ayaanu Leenahay Muwadiniinta Ayaanu Gacmo furan Kuso dhawaynaynaa.

Wasiir Siciid Sulub Iyo Wasaarada Xaalbaanu ka Siinay Hadalka Xanafta Iyo Xajiinta Ah Ee Kaluumaystada Bila Xadaarada Ah Kasoo yeedhay Shalay.

Maamulaha Shirkada Sea Food Com

Cabdirisaaq Calinuur.