Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka fal-celiyey shaqaaqadii garoonka Muqdisho + Video.

Muqdisho(GNN):- Siyaasiyiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga hadlay dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kaasi oo uu dagaal gacan ku hadal ah ku dhex-maray ciidamo ka tirsan NISA iyo shaqaalaha waaxda hay’adda socdaalka.

Siyaasiyiinta ayaa dhacdadaas ku macneeyay mid muujineysa “isu awood sheegasho hey’adihii Dawladda dhexdooda ah iyo in ay jiraan kuwo isku heysta in ay sharciga ka sarreeyaan,” maadama ay meesha ka baxday sharciyadii dowladda.

“Bahdilaad iyo awood sheegasho ayey muujiyeen ciidanka NISA. Dhaqanka fowdada, isku itaal sheegashada ee hoggaamiye kooxeednimo ayaa maalamahan ku faafaya xarumaha Dowladda. Waxaan maqli jiray Quraankii alif ka halaaba Albaqra kama taasoo. Dawlad uusan hoggaankeedu sharci ahayn, hay’adaheedu sharci kuma shaqayn karaan Farmaajo iyo kooxdiisa waa in ay fahmaan waxa ay ka dhigan tahay sharciyaddu,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Mahad Salaad ayaa asaguna dhinaciisa cambaareeyay dhacdadaas oo uu ku sifeeyay “fal argagixisinimo oo ka tarjumaya ujeedooyinka gurracan ee la rabay in loo isticmaalo ciidamo aad u farabadan oo waayadan dambe Fahad Yaasiin ku sii daabulayay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde,” sida uu sheegay.

“Dhalinyaro badan oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa Isbitaalka loola cararay, agabkii iyo xaafiisyadii ay ku shaqaynayeena waa la burburiyay. Dhalinyarada dhaawacyadu soo gaareena waxaan Alle uga baryeynaa in uu caafimaad deg-deg ah siiyo. Marka labaadna waxaan ku baaqayaa in ciidamadaan Ayrboorka laga saaro ama qof waliba ilaaladiisa la galo Garoonka si amnigiisa loo ilaaliyo.”

Sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay arrinta maanta ka dhacday garoonka Muqdisho oo ah madaarka ugu caalamisan dalka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhacdooyin noocan ka qaab daran uu soo wado Farmaajo

“Dowladnimada markii aysan wax sharci ah lahayn xaalku sidaan ayuu noqonayaa, kaa xoog badni iyo waxaan rabo aan samaynaa haddii kale waa la isu gacan qaadaa. Bal ciyaal weero miyaaa?. Waxa uu soo wado Ina Farmaajo ayaa ka badan oo qaab darro ah,” ayuu yiri.

Wasiir Fiqi oo asaguna arrintaas ka hadlay ayaa dalbaday in sharciga la hor-geeyo shaqsiyaadka bur-buriyey hantida guud ee umadda, dhaawaca u geystay shaqaalihii hey’adda socdaalka, argagixiyey dadkii sodcaalka ahaa, islamarkaana cuuryaamiyey shaqadii garoonka.

“Marka koox xukun heysata gabalkeedu uu sii dhacayo, waxay sharciga ku qaataan gacmahooda, waxaana yaraata isla xisaabtanka iyo kala danbaynta, mararka qaarkoodna dhaqan waalli ah ayay la soo baxaan, waa midda ka muuqata garoonka Aadan Cadde.”

Si kastaba, siyaasiyiintaan ayaa dhamaantood dhacdadii maanta ka dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho dusha u saaray madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo Taliyaha NISA, kuwaasi oo ay sheegen inay muddooyinkii dambe ku howlanaayeen soo saarista ciidamo noocan ah.

Xiisadan Garoonka ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhalatay, kadib markii shaqaalaha garoonka iyo ciidanka NISA ay isku qabteen dad ajaaniib ah oo NISA u socday, kuwaas oo loo diiday inay gudaha usoo galaan dalka, iyadoo aan la hubin waxa ay yihiin iyo ujeedka socdaalkooda.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in goobta ay shaqaaqadu ka dhacday uu goor dambe tegay taliyaha hay’adda socdaalka jinsiyadaha, Maxamed Aadan Koofi oo xalliyey arrintaasi, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa garoonka Aadan Cadde.