Xukuumadda oo Baadhis iyo Daba-gal ku Samaysay in Kaalmaha Shidaalku Ku Iibinayaan Qiimihii Loo Sargooyey.

Hargeisa(GNN):-Xukuumadda Somaliland, oo vlbaadhis iyo dabagal ku samaysay in Kaalmaha Shidaalku fuliyeen Qiimihii ay u dejisay in lagu iibiyo shidaalka.

Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska JSL ayaa maanta bilowday olole lagu dabo galayo qiimaha shidaalka oo dhowaan Wasiirka Wasaaraddu uu wareegto kasoo saaray qiimaha lagu iibinayo shidaalka kadib markii kalfadhigii 72aad ee Golaha Wasiiradda oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi kaas oo qabsoomay 18/03/2021 lagu go’aamiyey in Wasasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaba iyo Dalxiiska Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) uu xal ka keeno qiimaha korodhka shidaalka, hadaba isaga oo Wasiirku ka duulaya taas waxa uu wareegto lagu xadidayo qiimaha shidaalka soo saaray 28/03/2021, hadaba iyadoo Wasaaraddu hubinaysa dhaqan galka wareegtadaas waxa uu Agaasimaha guud ee Wasaaraddu faray kooxaha Wasaaradda u qaabilsan dabo galka Liisamadda, Qiimaha Maceeshada iyo Shidaalku inay saaka ka bilaabaan gobolka Maroodi jeex gaar ahaana Caasimada Hargeysa Olole ku saabsan hubinta ku dhaqan wareegtadii Wasiirka ee lagu xadiday qiimaha shidaalka isagoona kula dardaarmay in ay si xilkasnimo leh u gud taan shaqadaas.

Waxaana hormuud u ahaa kooxda dabo galka samaynaysay isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Maroodi jeex, hawl galkan lagu dabo gelayey qiimaha shidaalka ayaa waxa maanta laga fuliyey dhamaanba Degmooyinka Caasimada Hargeysa kuwaas oo ay shaqaaluhu kala kulmeen Kaalmihii shidaalka ee ay kormeereen inay badan koodu sidii loogu talo galay u fuliyeen qiimihii Wasaaraddu u jartay halka tiro aad u kooban oo qiimahaas ka sareeyeyna isla markii lala kulmay amar lagu siiyey inay fuliyaan wareegtadaas sidoo kalena looga digay in aanay dhaafiyan qiimaha loo ogol yahay mudada loogu talo galay in ay wareegtadani shaqayso.